Tuesday, December 22, 2015

Dood-aqooneedka Xarunta Ifiye

Xarunta Ifiye ayaa soo abaabushay dood aqooneed looga hadlayay Horumarinta Dadka iyo Dalka. Waxaa ka soo qayb galay dhalinyar Soomaaliyeed oo soo bandhigay fikir, aqoon, iyo suugaan.

Waxaa lagu lafa guray qaar ka mid ah dhibaatooyinka heesta Soomaalida sida qabyaaladda, midnimo la'aanta iyo muhiimadda ay leedahay dib-udhiska dadka iyo dalkaba.

Waxaa la tilmaamay dowrka hawaynka Soomaaliyeed ee sanidihii colaadda iyo burburka. Iyadoo laga dhiidhiyay xadgudubyada ka dhanka ah hawaynka. Waxaa lagu taliyay in la siiyo xuquuqda ay ku leeyihiin bulshada.

Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday qaybaha bulshada ee lagu tilmaamo in laga tiro badan yahay. Dadkaasi waa qayb ka mid ah bulshada oo mudan in la siiyo qaybta ay xaqqa u leeyihiin.

Waxaan bogaadinayaa in cod baahiyaha la igu soo dhaweeyay anigoo ka hadlay qodobbada soo socda:

1. Dhalinyarada maanta, aabayaasha, hooyooyinka iyo qaybaha kale ee bulshada waa in ay
  • Diyaariyaan dhalinta aan rabno in ay barito hogaamiyaan bulsha-waynta Soomaaliyeed. 
  • kana shaqeeyaan nadaafadda oo asaas u ah caafimaadka. Cudurada ayaa sababa in dhalintu waxtarkoodu hoos u dhaco. Taas ayaa u baahan in la joojiyo qashinka iyo wasaqda lagu qubayo wadooyinka 
  • la dagaalamaan, kana dhiidhiyaan jaadka ama qaadka kaasoo dhib wayn ku haya dhalinta soo koraysa iyo dhaqaalaha bulshada
2. Bahda waxbarashada sida jaamacadaha iyo ururada ka shaqeeya tacliinta sare waaa in ay:
  • Dhiiri geliyaan cilmi-baarisyo la xiriir baahida iyo kobaca bulshada. Taasi ayaa ah in ay ku saleeyaan qorshaha waxbarasho hadba halka u baahan in bulshada laga dhiso sida xirfadaha keenaya horumarinta dadka iyo dalka
  • Abuuraan fursado shaqo ee aan horay u jirin. Taasi waxay hoos u dhigaysaa heerka shaqo la'aanta ee dhalinta waxbaratay.
Gabagabadii, madasha ayaa la bogaadiyay laguna taliyay in la badiyo doodaha noocaan oo kale ah.

Wixii talo iyo tusaala ah, fadlan ku reeb faalo qaybta hoose. 

Wednesday, October 21, 2015

Jaamacadda Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan, Cote D'Ivoire


Sooyaalka Jaamacadda
Jaamacadda  ugu magaca iyo faca weyn wadanka Cote D'ivoire waxay la furay 1958 iyadoo ku bilaabatay xarun leh takhasusyo kooban oo ay maalgeliso dowladda Faransiis.  Bishii Janaayo ee 1964 ayaa la balaariyay loona badalay jaamacad.

Jaamacadda FHBU ee Abidjan (Abiijaan) waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu cadcad wadanka iyo gobolkaba. Ardayda dhiga ayaa gaaraya 60,000 halka 98% ay u dhasheen Cote D'Ivoire, 26% waa haweyn (sanad jaamacadeedkii 2011-2012).

FHBU waxaa maamula madaxa jaamacadda (president), Prof Ramata Bakayoko Ly, laba ku xigeyn iyo xog-haye guud. Agaasinka Jaamacadda ayaa u qeybsan Guddiga maareynta (management board), Gudiyada iyo masuuliyiinta maamulka, Qeybaha tababarada iyo cilmi baarista.

Jaamacadda waxay ka koobnaan jirtay 3 xarumood oo kala ah  Université d'Abobo-Adjamé, Université de Boukaé, iyo Université de Cocody. Ka gadaal dib-u-habeyntii 1996 ayaa xarun walbo loo aqoonsaday in ay noqoto jaamacad madax banaan.

Saameynta dagaalada
Ardayda ayaa dib u bilaabeen waxbarashada 18 bilood ka dib rabshadihii ka dhashay natiijada doorashooyinka 2010 ee u dhaxeeyay Gbagbo iyo Outtara (Wattara), madaxii hore ee IMF, iminkana ah madaxweynaha shaqeeya. In ka badan 3,000 ayaa lagu dilay iyadoo ay barakaceen tiro gaareysa 500,000.

Jaamacadda waxaa ka soo gaaray burbur laxaad leh, dhismooyinkii oo ay ka soo hareen gidaaradii kaliya, Kombiyuutaradii, dukumintiyadii iyo buugaagtii oo la boobay. Maal gaaraya 220 milyan oo doolaarka Mareekanka ayaa ku baxday dib u dhiska jaamacadda.

Haddaba Jaamacadda ayaa ku shaqo bilaawday140 dhismo oo ka kooban maktabado, tiyaatarada khudbadaha, deegaano, xarumo ciyaaro. Jamaacadda ayaa ku fadhida dhul cabirkiisu yahay 200 hektaar  oo u dhiganta 2 km oo wareeg ah (square) oo leh beero. Waxaana isku xiraya shabakadda fibre-optic ga loo yaqaan.

Bilicda 
Ka sokoow baaxadda weyn oo ay ku fadhido, waxaa soo jiidasho leh sida loo hindisay dhismooyinka. Dhismooyinka waa ay kala fogyihiin. Waxaad arkeesaa taaggag lagu qurxiyay doog, wadooyin laami ah, garoomada kubadda cagta, koleyga iyo jir-dhiska.
Muuqaalka jaamacadda
Jaamacadda waxaa ka dhex shaqeeya basas yaryar oo ardayda gaarsiiya hadba halka ay ka doonayaan jaamacadda sida masraxyada khudbadaha iyo duruusta, maktabadaha iyo deegaanada. Waxaa isoo jiitay, si loo dhowro nadaafadda loona ilaaliyo deegaanka, basaska waxaa ay ku shaqeenayaan koronto.

Aqris dheeri ah