Sooyaalka Jaamacadda
Jaamacadda ugu magaca iyo faca weyn wadanka Cote D'ivoire waxay la furay 1958 iyadoo ku bilaabatay xarun leh takhasusyo kooban oo ay maalgeliso dowladda Faransiis. Bishii Janaayo ee 1964 ayaa la balaariyay loona badalay jaamacad.
Jaamacadda FHBU ee Abidjan (Abiijaan) waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu cadcad wadanka iyo gobolkaba. Ardayda dhiga ayaa gaaraya 60,000 halka 98% ay u dhasheen Cote D'Ivoire, 26% waa haweyn (sanad jaamacadeedkii 2011-2012).
FHBU waxaa maamula madaxa jaamacadda (president), Prof Ramata Bakayoko Ly, laba ku xigeyn iyo xog-haye guud. Agaasinka Jaamacadda ayaa u qeybsan Guddiga maareynta (management board), Gudiyada iyo masuuliyiinta maamulka, Qeybaha tababarada iyo cilmi baarista.
Jaamacadda waxay ka koobnaan jirtay 3 xarumood oo kala ah Université d'Abobo-Adjamé, Université de Boukaé, iyo Université de Cocody. Ka gadaal dib-u-habeyntii 1996 ayaa xarun walbo loo aqoonsaday in ay noqoto jaamacad madax banaan.
Saameynta dagaalada
Ardayda ayaa dib u bilaabeen waxbarashada 18 bilood ka dib rabshadihii ka dhashay natiijada doorashooyinka 2010 ee u dhaxeeyay Gbagbo iyo Outtara (Wattara), madaxii hore ee IMF, iminkana ah madaxweynaha shaqeeya. In ka badan 3,000 ayaa lagu dilay iyadoo ay barakaceen tiro gaareysa 500,000.
Jaamacadda waxaa ka soo gaaray burbur laxaad leh, dhismooyinkii oo ay ka soo hareen gidaaradii kaliya, Kombiyuutaradii, dukumintiyadii iyo buugaagtii oo la boobay. Maal gaaraya 220 milyan oo doolaarka Mareekanka ayaa ku baxday dib u dhiska jaamacadda.
Haddaba Jaamacadda ayaa ku shaqo bilaawday140 dhismo oo ka kooban maktabado, tiyaatarada khudbadaha, deegaano, xarumo ciyaaro. Jamaacadda ayaa ku fadhida dhul cabirkiisu yahay 200 hektaar oo u dhiganta 2 km oo wareeg ah (square) oo leh beero. Waxaana isku xiraya shabakadda fibre-optic ga loo yaqaan.
Bilicda
Ka sokoow baaxadda weyn oo ay ku fadhido, waxaa soo jiidasho leh sida loo hindisay dhismooyinka. Dhismooyinka waa ay kala fogyihiin. Waxaad arkeesaa taaggag lagu qurxiyay doog, wadooyin laami ah, garoomada kubadda cagta, koleyga iyo jir-dhiska.
Muuqaalka jaamacadda |
Aqris dheeri ah