Waxaa lagu lafa guray qaar ka mid ah dhibaatooyinka heesta Soomaalida sida qabyaaladda, midnimo la'aanta iyo muhiimadda ay leedahay dib-udhiska dadka iyo dalkaba.
Waxaa la tilmaamay dowrka hawaynka Soomaaliyeed ee sanidihii colaadda iyo burburka. Iyadoo laga dhiidhiyay xadgudubyada ka dhanka ah hawaynka. Waxaa lagu taliyay in la siiyo xuquuqda ay ku leeyihiin bulshada.
Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday qaybaha bulshada ee lagu tilmaamo in laga tiro badan yahay. Dadkaasi waa qayb ka mid ah bulshada oo mudan in la siiyo qaybta ay xaqqa u leeyihiin.
Waxaan bogaadinayaa in cod baahiyaha la igu soo dhaweeyay anigoo ka hadlay qodobbada soo socda:
1. Dhalinyarada maanta, aabayaasha, hooyooyinka iyo qaybaha kale ee bulshada waa in ay
- Diyaariyaan dhalinta aan rabno in ay barito hogaamiyaan bulsha-waynta Soomaaliyeed.
- kana shaqeeyaan nadaafadda oo asaas u ah caafimaadka. Cudurada ayaa sababa in dhalintu waxtarkoodu hoos u dhaco. Taas ayaa u baahan in la joojiyo qashinka iyo wasaqda lagu qubayo wadooyinka
- la dagaalamaan, kana dhiidhiyaan jaadka ama qaadka kaasoo dhib wayn ku haya dhalinta soo koraysa iyo dhaqaalaha bulshada
- Dhiiri geliyaan cilmi-baarisyo la xiriir baahida iyo kobaca bulshada. Taasi ayaa ah in ay ku saleeyaan qorshaha waxbarasho hadba halka u baahan in bulshada laga dhiso sida xirfadaha keenaya horumarinta dadka iyo dalka
- Abuuraan fursado shaqo ee aan horay u jirin. Taasi waxay hoos u dhigaysaa heerka shaqo la'aanta ee dhalinta waxbaratay.
Wixii talo iyo tusaala ah, fadlan ku reeb faalo qaybta hoose.