Halkani ka dheeho qudbad aan ka jeediyay xafladda dhagax dhigga ee Gateway Complex.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Mudane Madaxweyne, Wasiirada, xildhinaanada, Madaxda Ganacsiga iyo Bangiyada, Ganacsatada, iyo Marti-sharafta Qiimaha Leh,
As-Salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,
Maanta waxaan halkaan u joognaa munaasabad aad muhiim ugu ah guud ahan dalka iyo qaas ahan caasimadda Muqdisho – dhagax-dhigga mashruuca Gateway Complex.
Waa maalin ku suntan horumar iyo barwaaqo, taas oo muujineysa sida ay bulshadeenna iyo dadkeenna ugu han-weyn yihiin dib-u-dhis iyo himilooyin waara.
Mashruucan Gateway waa rajo cusub oo u soo ifbaxday dadka Soomaaliyeed:
Dib-u-dhiska caasimaddeenna wuxuu ka tarjumayaa dedaalka iyo hufnaanta ay bixiyeen ganacsatada Soomaaliyeed oo kaashanaya maalgashadeyaal caalami ah.
Waa tusaale dhab ah oo iskaashi ku dhisan kalsooni iyo hammi horumarineed.
Inta uu dhismaha socdo iyo markuu dhammaadaba, kumannaan shaqo ayaa la abuuri doonaa, kuwaas oo saameyn muuqata ku yeelan doona nolosha dadka iyo dhaqaalaha dalka.
Dhismayaasha noocan ah waxay Muqdisho ka dhigayaan magaalo leh qaab-dhismeed casri ah oo ku xiran adeegyo muhiim ah sida huteelka 5 star ah, xarunta shirarka caalamiga ah ama convention center, isbitaalka casri ah, iyo guryo loo adeegsado ganacsi iyo deegaan oo loo dhisay tayada iyo bilicda magaalada.
Xaruntan shirarka waxay muhiim u noqon doontaa qabanqaabada shirarka ganacsiga, aqoon-isweydaarsiyada, iyo munaasabadaha caalamiga ah.
Waxaan ognahay in mar walba oo aad qorshe cusub soo bandhigto, ay jiraan caqabado badan oo kaa hor imaanaya. Laakiin waxa la ogsoonyahay in geesinimada ganacsi, aqoonta, iyo hufnaanta ay yihiin furaha guusha.
Mashruucaan wuxuu nasoo xusuusinayaa dhismaha bangiga Premier Bank oo la asaasay isagoo soo kordhiyay xalal maaliyadeed oo aan horay u jirin, kuwa oo fududeeyay maalgelinta iyo kaabayaasha dhaqaale ee loo baahan yahay.
Ujeeddadeennu waa inaan dalka dib ugu xireyno adduunka:
Waxaan ku guuleysanay in aan soo kordhinno adeegyo casri ah sida Premier Wallet, Mastercard iyo Visa – oo xal ka noqday caqabado badan oo dhinaca maaliyadda ah.
Sidaas si la mid ah, maanta Gateway Complex waxa uu noqon doonaa albaab kale oo fursado iyo kobac dhaqaale u fura dadka Soomaaliyeed iyo caasimadda Muqdisho.
Waxaan u hambalyeenayaa Bahda Riverside Holding oo mashruucaan horumarineed ee baaxadda leh kusoo kordhiyay dalka,
Mahadsanidiin. Wa Billaahi Towfiiq.