Wednesday, December 18, 2024

Xafladda Dhagax Dhigga ee Gateway Complex

 Halkani ka dheeho qudbad aan ka jeediyay xafladda dhagax dhigga ee Gateway Complex.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Mudane Madaxweyne, Wasiirada, xildhinaanada, Madaxda Ganacsiga iyo Bangiyada, Ganacsatada, iyo Marti-sharafta Qiimaha Leh,


As-Salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,

Maanta waxaan halkaan u joognaa munaasabad aad muhiim ugu ah  guud ahan dalka iyo qaas ahan caasimadda Muqdisho – dhagax-dhigga mashruuca Gateway Complex. 

Waa maalin ku suntan horumar iyo barwaaqo, taas oo muujineysa sida ay bulshadeenna iyo dadkeenna ugu han-weyn yihiin dib-u-dhis iyo himilooyin waara.

Mashruucan Gateway waa rajo cusub oo u soo ifbaxday dadka Soomaaliyeed:

Dib-u-dhiska caasimaddeenna wuxuu ka tarjumayaa dedaalka iyo hufnaanta ay bixiyeen ganacsatada Soomaaliyeed oo kaashanaya maalgashadeyaal caalami ah. 

Waa tusaale dhab ah oo iskaashi ku dhisan kalsooni iyo hammi horumarineed.

Inta uu dhismaha socdo iyo markuu dhammaadaba, kumannaan shaqo ayaa la abuuri doonaa, kuwaas oo saameyn muuqata ku yeelan doona nolosha dadka iyo dhaqaalaha dalka.

Dhismayaasha noocan ah waxay Muqdisho ka dhigayaan magaalo leh qaab-dhismeed casri ah oo ku xiran adeegyo muhiim ah sida huteelka 5 star ah, xarunta shirarka caalamiga ah ama convention center, isbitaalka casri ah, iyo guryo loo adeegsado ganacsi iyo deegaan oo loo dhisay tayada iyo bilicda magaalada.

Xaruntan shirarka waxay muhiim u noqon doontaa qabanqaabada shirarka ganacsiga, aqoon-isweydaarsiyada, iyo munaasabadaha caalamiga ah.

Waxaan ognahay in mar walba oo aad qorshe cusub soo bandhigto, ay jiraan caqabado badan oo kaa hor imaanaya. Laakiin waxa la ogsoonyahay in geesinimada ganacsi, aqoonta, iyo hufnaanta ay yihiin furaha guusha. 

Mashruucaan wuxuu nasoo xusuusinayaa dhismaha bangiga Premier Bank oo la asaasay isagoo soo kordhiyay xalal maaliyadeed oo aan horay u jirin, kuwa oo fududeeyay maalgelinta iyo kaabayaasha dhaqaale ee loo baahan yahay.

Ujeeddadeennu waa inaan dalka dib ugu xireyno adduunka: 

Waxaan ku guuleysanay in aan soo kordhinno adeegyo casri ah sida Premier Wallet, Mastercard iyo Visa – oo xal ka noqday caqabado badan oo dhinaca maaliyadda ah. 

Sidaas si la mid ah, maanta Gateway Complex waxa uu noqon doonaa albaab kale oo fursado iyo kobac dhaqaale u fura dadka Soomaaliyeed iyo caasimadda Muqdisho.

Waxaan u hambalyeenayaa Bahda Riverside Holding oo mashruucaan horumarineed ee baaxadda leh kusoo kordhiyay dalka, 

Mahadsanidiin. Wa Billaahi Towfiiq.


Monday, June 5, 2017

Cuntooyinka Ramadaanka ee DXN

Arar:
Kani waa qeyb kale oo aan uga haydlayno cuntooyin caafimaad leh, maadaama aan ku guda jirno bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa la yaableh in dadka qaar bisha Ramadaan ay u tahay bil cunto, cabitaan iyo musalsal meeshii laga faa'idaysan fursada ay xambaarsantahay bishani. Dadka qaar waxaa ay ka cawdaan cayilka oo bata sababtoo ah dadku waxaa ay afuraan afur cad goosi ah oo ciil bax ah, iyo suxuur sagootin ah. Taasi waxaa ay ka dhigantahay in ay bataan cudurada bil loogu tala galay in uu bato caafimaadka iyo in laga faa'ideysto fursadda ay xambaarsantahay bishan oo ah in loo dhawaado Ilaaheey.

Sidaa darteed, waa muhiim in aan taabano tilmaamooyin aan isleenahay hadii uu qofku ku dadaalo  waxaa ay u dhaweyn karaan cibaado suuban iyo caafimaad, tilmaamahaas waxaa ka mid ah:
  1. Sun saaris lagu sameeyo jirka
  2. Dhisidda jir difaaca
  3. Jirka oo yeesha firfircooni
  4. Qofka oo hela hurdo toosan oo dabiici ah
  5. Ujeedka laga leeyahayna waa qofka oo awood u hela cibaadada
Waxaan soo bandhigaynaa qaybo ka mid ah cuntooyin ay shirkadda DXN soo saarto kuwaasoo kuu suurta-gelinaya in aad hesho caafimaad guud. Waxaan rajaynayaa in banhdhiggaan sabab u noqdo in aad heshaan dadaalkii iyo firfircoonidii aad ku gudan lahaydeen cibaado badan:

Koow: Afurka
Sunnada nabiga ayaa ah in lagu afuro timir, hadii aadan haleyn timir waxaad ku afureysaa biyo. Salaadda maqrib ka dib waxaad ku bilaabeysaa shurbad ama maraq lagu daray MyCoviggie waa cunto leh fiber tayo sare wuxuuna ka kooban yahay maadooyin dabiici ah sida khudaar, mashruumyo leh qiimo cunto tayo sare leh, sidoo kale waxaa ku jira Spirulina, shaahiga cagaaran, iyo mirooyin iyo acshaab wuxuuna leeyahay fitamiino. Faa'iidoyinkiisa waxaa ka mid ah:
  1. Wuxuu jirka ka caawinayaa in uu sameeyo sun saaris
  2. Wuxuu ka caawinayaa jirka in uu nadiifiyo caloosha (qashin-saar) si fudud
  3. Wuxuu waxtar u leeyahay dadka qaba mushkilladda qooloonka
  4. Waxaana loo isticmaali karaa booska cuntada ama qeyb ka mid ah barnaamij cunto lagu yareeyo miiskaanka
Waxaa xigaya hal qaado oo mashruumka loo yaqaaan Reishi (Reeshi), waa cunto kaabe tayo sare leh. Isticmaalkiisa joogtada ah waxaa uu keenayaa caafimaad guud ahaaneed. Mashruumkani waxaa uu ka kooban yahay biyo kumilmaha loo yaqaan Polysacharides, fitamiino, proteins, Treterpenoids, macaadiin, iyo faa'idooyin kale oo ay ka mid yihiin:
  1. In uu jirka ku kaalmeeyo in uu sun-saaris sameeyo
  2. In uu dhiso jir-difaaca
  3. In uu hagaajiyo wareegga dhiigga
  4. In uu hagaajiiyo qaadashada oksijiinta (oxygyne)
Intaa ka dib, qofka waxaa uu qaadanayaa 9 xabo oo Spirulina ah, waana mid ka mid ah ilaha laga helo cuntooyinka dabiici ah,  wuxuuna leeyahay protein tayo sare leh, amino acids dheeli tiran sidoo kale macaadin, Chlorofyl, fiber, ka hortagga unugyada gadooda. Faa'idooyinkiisa waxaa ka mid ah:
  1. Waxtar fiican ayuu uleeyahay dhiig yarida
  2. Wuxuu u noqonayaa cunto dabiici ah dadka qaba cudurada sokorta, dhiig-karka
  3. Waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay ilaha ugu muhiimsan  ee laga helo cunto qalawi ah (alkaline)  ee la siiyo haweenka uurka leh iyo caruurta
  4. Wuxuu waxtar u leeyahay waayeelka rag iyo dumarba leh
Deedna waxaa xigaaya sharaabka Morinzhi ee laga sameeyay Noni, waa mid leh awood daweyn oo cajiib ah, cilmi baarisyada lagu sameeyay Noni aya tilmaamaya in miraha geedkani wanaajin karo caafimaadka guud ahaan iyo xaaladaha cuduro dhowr ah, oo ay ugu horayso:
  1. Wuxuu kaalmeenayaa jir difaaca
  2. Wuxuu leeyahay natiijo la taaban karo ee la xiriira mashaakilka hurdo-la'aanta iyo daalka
  3. Wuxuu kaalmeenaya xaaladaha dhiig karka
  4. Wuxuu leeyahay Enzymes ka kaalmeenaya shiidida cuntada
Waxaa intaa dheer cabitaanka Rosella ama Karkadey oo leh faa'idooyin ay ka mid yihiin fitamino iyo in uu kaalmeeyo xaaladaha la xiriira mashaakilka dhiigga.

Dhamaan arimaha aan kor uga hadalnay waxaa ay tilmaamayaan cunto kaabayaal sare u qaadaya tayada cunto ee aan cunno. Taasi macnaheedu ma ahan in uu qofku iyagaa oo kaliya ku ekaado balse waxaa uu la qaadan karaa cuntooyin si caafimaadleh loo sameeyay ama qudaaro iyo shurbad (marag).

Labo: Taraawiixda ka hor
Maadaama loo baahanyahay in lagu dadaalo cibaadada, waxaa muhiim ah in aan qaadano cunto kaabayal kordhiya tamarta jirka iyo adkeysiga, waxaana ka mid ah:
  1. 4 xabo oo Kordiseb ah
  2. 6 xabo oo Lion's Mane ah
  3. Kakaaw ga leh mashruumka loo yaqaan Reishi (Cocozhi)
  4. Qaxwada 3 in 1 ee lagu daray Reishi
Haddaba waxaa maxay Kordiseb? Waa nuuc ka mid ah mashruumyada, wuxuu ka baxaa fiidda buuraha Tibet, waayahan danbe goobaha caafimaadka iyo guryahaba aad ayaa looga isticmaalaa si loo helo faa'idooyinkani:
  1. Wuxuu kugu saacidayaa kordhinta awoodda jirka iyo adkeysiga
  2. Wuxuu kugu kaalmeenayaa in uu wanaajiyo shaqada sambabaha, kilyaha iyo beerka
  3. Wuxuu kugu kaalmeenayaa yaraynta xaaqada, qufaca,  iyo wanaajinta wareegga dhiigga
  4. Wuxuu kugu kaalmeenayaa kordhinta adkeysiga howlaha cayaaraha iyo jimicsiga iyo muruq-maalka
Lion's Mane waa nuuc kale oo mashruum ah, adkeeya neerfaha, wanaajiya dheefshiidka iyo guud ahaan shaqada jirka, wuxuu anfacayaa dadka ka cawda xanuunada xiidmaha, wuxuu leeyahay maadooyin cunto oo tayo leh, iyo maadooyinka daruuriga ah in uu jirku helo sida proteins, biyo ku milmaha Polysachrides, Potasium, Faa'idooyinkiisa waxaa ka mid ah:
  1. Wuxuu kaa kaalmeenayaa dhisidda jir difaaca
  2. Wuxu kaa kaalmeenaya in uu ka ilaaliyo boog calooleedka iyo malawadka (duodenum)
  3. Wuxuu kaa kaalmeenayaa yaraynta waxyeelada neerfaha iyo koriinsha burooyinka neerfaha (nerve tumors)
Intaa ka dib, qofku wuxuu qaadan karaa hadba cuntada uu doono  iyadoo la ilaalinaayo in ay tahay mid caafimaad qabta, iyo sharciga sadexleyda ee ku soo uruurtay sunnada nabiga:

ما ملأ آدمي وعاء شرا من بطن ، بحسب ابن آدم أكلات يقمن صلبه ، فإن كان لا محالة ، فثلث لطعامه ، وثلث لشرابه ، وثلث لنفسه
Waxaa wariyay Imaam Axmad, Tirmithi, Nisaa'I iyo Ibnu Maajah

Ugu danbayntii, suxuurta:
Qofka waxaa wanaagsan in uu ku suxuurto timirta balse waxaa uu ku darsan karaa mushaari ama garoor lagu daray Mycoviggie. Sidoo kale waxaa uu xooga saari karaa dhammaan ama qaar ka mid ah cunto kaabayaasha aan sare ku soo xusnay.

Tixraacyo: 
  • http://www.reishi.com/what-is-reishi.htm 
  • http://www.webmd.com/vitamins-supplements/ingredientmono-602-cordyceps.aspx?activeingredientid=602
  • https://draxe.com/cordyceps/

Monday, February 6, 2017

Xubuubta Spirulina Cereal

Spirulina Cereal
Spirulina waxaa lagu tiriyaa cunto aad u tayo sareeso maadaama laga helo maadooyin cunto oo dabiici ah una fiican tahay dhamaan bulshada (caruurta, dhalinyarada, ciyaartoyda, waayeelka, xaamilada, hooyada nuujiso iyo qof xanuunsan ama ama aan xanuunsanayn).

 

Muxuu leeyahay Spirulina Cereal:

  1. Spirulinaha wuxuu ka kooban yahay fitamiino iyo borotiin tayo saro leh iyo macaadin uu u baahan yahay jirkaaga. 
  2. Wuxuu dhisayaa jir difaaca waayo wuxuu nooleenayaa unugyada jirka ee ka hortaga cudurada 
  3. Wuxuu sunta dhibeesa jirka ka saarayaa caloosha iyo mindhicirada  
  4. Wuxuu ka shaqeenayaa wareegga dhiiga oo hagaago
Faa’idooyinka kale kaga bogo tixraacyada hoose. Spirulina cereal waa cunto dhamaystiran oo isu dheelitiran waxaana loo tixgeliyaa in uu leeyahay Fiber tayo wanaagsan waana meelaha asaasiga ee laga helo cunto tayo leh.

Muxuu ka kooban yahay:

  1. Spirulin
  2.  Sadex nuuc oo Cereal ah -Barley, Oats(boorash), iyo Wheat(qamadi)

Sidee loo isticmaalaa: 

  1. Mushaarida Spirulina Cereal:
    Hal bac oo Spirulina Cereal ku shub koob maran ama saxan yar + 1/2 koob Caano qandiir ah deedna isku qas adigoo isticmaalaya qaando + Hal qaado oo malab ah ama sokor -haddii aadan heleen malab.
  2. Cajiinka Spirulina Cereal:
    Hal bac oo Spirulina Cereal ku dar cajiinka Canjeerada, muufada ama Pizzaha.
  3. Maraqa Spirulina Cereal:
    Nus bac oo Spirulina Cereal ku dar maraq ama shurbo laga sameeyay qudaar, oo diyaarsan, deedna ku qas.
Waxaa jiro siyaabo kale oo loo isticmaali karo Spirulina Cereal oo ay ka mid tahay:
  1. In loo isticmaalo Spirulina Mask oo lagu huruudo wajiga wuxuu siinayaa maqaarka fitamino asaasi ah 
  2. In laga diyaariyo casiir mushakal ah: ku dar malab ama mirooyinka wadankeenu caanka ku yahay sida canbaha, babaayga, iyo qaraha 
  3. Dadka jecel jalaatada: waxay diyaarsan karaan jalaato leh nafaqo sare. Diyaari cabitaan Spirulina Cereal ku dar dhadhanka jeceshahay sida malabka, canbe, caano ama tufaax, deedna geli firiijka ama barafeeyaha
Fadlan, ha ilaabin in aad ila wadaagto siyaabo ka duwan kuwa aan sare ku xusay. Waxaad leedahay fikir iyo awood kuu qaas ah, waxaa tahay qof hal abuurleh, Taasi waa sheekadayda balse waxaad leedahay kuwo ka fiican.


Tixraac

  1. http://iimsam.org/en/iimsam-spirulina-resource-centre/
  2. http://www.dxnmalaysia.com/pr%E2%80%A6/beverage_spirulina_cereal.php

Tuesday, December 22, 2015

Dood-aqooneedka Xarunta Ifiye

Xarunta Ifiye ayaa soo abaabushay dood aqooneed looga hadlayay Horumarinta Dadka iyo Dalka. Waxaa ka soo qayb galay dhalinyar Soomaaliyeed oo soo bandhigay fikir, aqoon, iyo suugaan.

Waxaa lagu lafa guray qaar ka mid ah dhibaatooyinka heesta Soomaalida sida qabyaaladda, midnimo la'aanta iyo muhiimadda ay leedahay dib-udhiska dadka iyo dalkaba.

Waxaa la tilmaamay dowrka hawaynka Soomaaliyeed ee sanidihii colaadda iyo burburka. Iyadoo laga dhiidhiyay xadgudubyada ka dhanka ah hawaynka. Waxaa lagu taliyay in la siiyo xuquuqda ay ku leeyihiin bulshada.

Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday qaybaha bulshada ee lagu tilmaamo in laga tiro badan yahay. Dadkaasi waa qayb ka mid ah bulshada oo mudan in la siiyo qaybta ay xaqqa u leeyihiin.

Waxaan bogaadinayaa in cod baahiyaha la igu soo dhaweeyay anigoo ka hadlay qodobbada soo socda:

1. Dhalinyarada maanta, aabayaasha, hooyooyinka iyo qaybaha kale ee bulshada waa in ay
  • Diyaariyaan dhalinta aan rabno in ay barito hogaamiyaan bulsha-waynta Soomaaliyeed. 
  • kana shaqeeyaan nadaafadda oo asaas u ah caafimaadka. Cudurada ayaa sababa in dhalintu waxtarkoodu hoos u dhaco. Taas ayaa u baahan in la joojiyo qashinka iyo wasaqda lagu qubayo wadooyinka 
  • la dagaalamaan, kana dhiidhiyaan jaadka ama qaadka kaasoo dhib wayn ku haya dhalinta soo koraysa iyo dhaqaalaha bulshada
2. Bahda waxbarashada sida jaamacadaha iyo ururada ka shaqeeya tacliinta sare waaa in ay:
  • Dhiiri geliyaan cilmi-baarisyo la xiriir baahida iyo kobaca bulshada. Taasi ayaa ah in ay ku saleeyaan qorshaha waxbarasho hadba halka u baahan in bulshada laga dhiso sida xirfadaha keenaya horumarinta dadka iyo dalka
  • Abuuraan fursado shaqo ee aan horay u jirin. Taasi waxay hoos u dhigaysaa heerka shaqo la'aanta ee dhalinta waxbaratay.
Gabagabadii, madasha ayaa la bogaadiyay laguna taliyay in la badiyo doodaha noocaan oo kale ah.

Wixii talo iyo tusaala ah, fadlan ku reeb faalo qaybta hoose. 

Wednesday, October 21, 2015

Jaamacadda Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan, Cote D'Ivoire


Sooyaalka Jaamacadda
Jaamacadda  ugu magaca iyo faca weyn wadanka Cote D'ivoire waxay la furay 1958 iyadoo ku bilaabatay xarun leh takhasusyo kooban oo ay maalgeliso dowladda Faransiis.  Bishii Janaayo ee 1964 ayaa la balaariyay loona badalay jaamacad.

Jaamacadda FHBU ee Abidjan (Abiijaan) waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu cadcad wadanka iyo gobolkaba. Ardayda dhiga ayaa gaaraya 60,000 halka 98% ay u dhasheen Cote D'Ivoire, 26% waa haweyn (sanad jaamacadeedkii 2011-2012).

FHBU waxaa maamula madaxa jaamacadda (president), Prof Ramata Bakayoko Ly, laba ku xigeyn iyo xog-haye guud. Agaasinka Jaamacadda ayaa u qeybsan Guddiga maareynta (management board), Gudiyada iyo masuuliyiinta maamulka, Qeybaha tababarada iyo cilmi baarista.

Jaamacadda waxay ka koobnaan jirtay 3 xarumood oo kala ah  Université d'Abobo-Adjamé, Université de Boukaé, iyo Université de Cocody. Ka gadaal dib-u-habeyntii 1996 ayaa xarun walbo loo aqoonsaday in ay noqoto jaamacad madax banaan.

Saameynta dagaalada
Ardayda ayaa dib u bilaabeen waxbarashada 18 bilood ka dib rabshadihii ka dhashay natiijada doorashooyinka 2010 ee u dhaxeeyay Gbagbo iyo Outtara (Wattara), madaxii hore ee IMF, iminkana ah madaxweynaha shaqeeya. In ka badan 3,000 ayaa lagu dilay iyadoo ay barakaceen tiro gaareysa 500,000.

Jaamacadda waxaa ka soo gaaray burbur laxaad leh, dhismooyinkii oo ay ka soo hareen gidaaradii kaliya, Kombiyuutaradii, dukumintiyadii iyo buugaagtii oo la boobay. Maal gaaraya 220 milyan oo doolaarka Mareekanka ayaa ku baxday dib u dhiska jaamacadda.

Haddaba Jaamacadda ayaa ku shaqo bilaawday140 dhismo oo ka kooban maktabado, tiyaatarada khudbadaha, deegaano, xarumo ciyaaro. Jamaacadda ayaa ku fadhida dhul cabirkiisu yahay 200 hektaar  oo u dhiganta 2 km oo wareeg ah (square) oo leh beero. Waxaana isku xiraya shabakadda fibre-optic ga loo yaqaan.

Bilicda 
Ka sokoow baaxadda weyn oo ay ku fadhido, waxaa soo jiidasho leh sida loo hindisay dhismooyinka. Dhismooyinka waa ay kala fogyihiin. Waxaad arkeesaa taaggag lagu qurxiyay doog, wadooyin laami ah, garoomada kubadda cagta, koleyga iyo jir-dhiska.
Muuqaalka jaamacadda
Jaamacadda waxaa ka dhex shaqeeya basas yaryar oo ardayda gaarsiiya hadba halka ay ka doonayaan jaamacadda sida masraxyada khudbadaha iyo duruusta, maktabadaha iyo deegaanada. Waxaa isoo jiitay, si loo dhowro nadaafadda loona ilaaliyo deegaanka, basaska waxaa ay ku shaqeenayaan koronto.

Aqris dheeri ah