Kani waa qeyb kale oo aan uga haydlayno cuntooyin caafimaad leh, maadaama aan ku guda jirno bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa la yaableh in dadka qaar bisha Ramadaan ay u tahay bil cunto, cabitaan iyo musalsal meeshii laga faa'idaysan fursada ay xambaarsantahay bishani. Dadka qaar waxaa ay ka cawdaan cayilka oo bata sababtoo ah dadku waxaa ay afuraan afur cad goosi ah oo ciil bax ah, iyo suxuur sagootin ah. Taasi waxaa ay ka dhigantahay in ay bataan cudurada bil loogu tala galay in uu bato caafimaadka iyo in laga faa'ideysto fursadda ay xambaarsantahay bishan oo ah in loo dhawaado Ilaaheey.
Sidaa darteed, waa muhiim in aan taabano tilmaamooyin aan isleenahay hadii uu qofku ku dadaalo waxaa ay u dhaweyn karaan cibaado suuban iyo caafimaad, tilmaamahaas waxaa ka mid ah:
- Sun saaris lagu sameeyo jirka
- Dhisidda jir difaaca
- Jirka oo yeesha firfircooni
- Qofka oo hela hurdo toosan oo dabiici ah
- Ujeedka laga leeyahayna waa qofka oo awood u hela cibaadada
Koow: Afurka
Sunnada nabiga ayaa ah in lagu afuro timir, hadii aadan haleyn timir waxaad ku afureysaa biyo. Salaadda maqrib ka dib waxaad ku bilaabeysaa shurbad ama maraq lagu daray MyCoviggie waa cunto leh fiber tayo sare wuxuuna ka kooban yahay maadooyin dabiici ah sida khudaar, mashruumyo leh qiimo cunto tayo sare leh, sidoo kale waxaa ku jira Spirulina, shaahiga cagaaran, iyo mirooyin iyo acshaab wuxuuna leeyahay fitamiino. Faa'iidoyinkiisa waxaa ka mid ah:
- Wuxuu jirka ka caawinayaa in uu sameeyo sun saaris
- Wuxuu ka caawinayaa jirka in uu nadiifiyo caloosha (qashin-saar) si fudud
- Wuxuu waxtar u leeyahay dadka qaba mushkilladda qooloonka
- Waxaana loo isticmaali karaa booska cuntada ama qeyb ka mid ah barnaamij cunto lagu yareeyo miiskaanka
Waxaa xigaya hal qaado oo mashruumka loo yaqaaan Reishi (Reeshi), waa cunto kaabe tayo sare leh. Isticmaalkiisa joogtada ah waxaa uu keenayaa caafimaad guud ahaaneed. Mashruumkani waxaa uu ka kooban yahay biyo kumilmaha loo yaqaan Polysacharides, fitamiino, proteins, Treterpenoids, macaadiin, iyo faa'idooyin kale oo ay ka mid yihiin:
- In uu jirka ku kaalmeeyo in uu sun-saaris sameeyo
- In uu dhiso jir-difaaca
- In uu hagaajiyo wareegga dhiigga
- In uu hagaajiiyo qaadashada oksijiinta (oxygyne)
- Waxtar fiican ayuu uleeyahay dhiig yarida
- Wuxuu u noqonayaa cunto dabiici ah dadka qaba cudurada sokorta, dhiig-karka
- Waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay ilaha ugu muhiimsan ee laga helo cunto qalawi ah (alkaline) ee la siiyo haweenka uurka leh iyo caruurta
- Wuxuu waxtar u leeyahay waayeelka rag iyo dumarba leh
- Wuxuu kaalmeenayaa jir difaaca
- Wuxuu leeyahay natiijo la taaban karo ee la xiriira mashaakilka hurdo-la'aanta iyo daalka
- Wuxuu kaalmeenaya xaaladaha dhiig karka
- Wuxuu leeyahay Enzymes ka kaalmeenaya shiidida cuntada
Dhamaan arimaha aan kor uga hadalnay waxaa ay tilmaamayaan cunto kaabayaal sare u qaadaya tayada cunto ee aan cunno. Taasi macnaheedu ma ahan in uu qofku iyagaa oo kaliya ku ekaado balse waxaa uu la qaadan karaa cuntooyin si caafimaadleh loo sameeyay ama qudaaro iyo shurbad (marag).
Labo: Taraawiixda ka hor
Maadaama loo baahanyahay in lagu dadaalo cibaadada, waxaa muhiim ah in aan qaadano cunto kaabayal kordhiya tamarta jirka iyo adkeysiga, waxaana ka mid ah:
- 4 xabo oo Kordiseb ah
- 6 xabo oo Lion's Mane ah
- Kakaaw ga leh mashruumka loo yaqaan Reishi (Cocozhi)
- Qaxwada 3 in 1 ee lagu daray Reishi
- Wuxuu kugu saacidayaa kordhinta awoodda jirka iyo adkeysiga
- Wuxuu kugu kaalmeenayaa in uu wanaajiyo shaqada sambabaha, kilyaha iyo beerka
- Wuxuu kugu kaalmeenayaa yaraynta xaaqada, qufaca, iyo wanaajinta wareegga dhiigga
- Wuxuu kugu kaalmeenayaa kordhinta adkeysiga howlaha cayaaraha iyo jimicsiga iyo muruq-maalka
- Wuxuu kaa kaalmeenayaa dhisidda jir difaaca
- Wuxu kaa kaalmeenaya in uu ka ilaaliyo boog calooleedka iyo malawadka (duodenum)
- Wuxuu kaa kaalmeenayaa yaraynta waxyeelada neerfaha iyo koriinsha burooyinka neerfaha (nerve tumors)
ما ملأ آدمي وعاء شرا من بطن ، بحسب ابن آدم أكلات يقمن صلبه ، فإن كان لا محالة ، فثلث لطعامه ، وثلث لشرابه ، وثلث لنفسه
Waxaa wariyay Imaam Axmad, Tirmithi, Nisaa'I iyo Ibnu Maajah
Ugu danbayntii, suxuurta:
Qofka waxaa wanaagsan in uu ku suxuurto timirta balse waxaa uu ku darsan karaa mushaari ama garoor lagu daray Mycoviggie. Sidoo kale waxaa uu xooga saari karaa dhammaan ama qaar ka mid ah cunto kaabayaasha aan sare ku soo xusnay.
Tixraacyo:
- http://www.reishi.com/what-is-reishi.htm
- http://www.webmd.com/vitamins-supplements/ingredientmono-602-cordyceps.aspx?activeingredientid=602
- https://draxe.com/cordyceps/
No comments:
Post a Comment